Caleemo Saarkii Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac
Daawo Sawiradan
Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay magaalo madaxda G/sool e laascaanood munaasabadii caana shubka garaadka
19 naad ee beelaha dhulbahante

munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay dad wayne aad u tiro badan oo buux dhaafiyay magaalada laascaanood
dad waynahan ayaa ka kala yimid guud ahaan qaybaha kala duwan ee dalka somalia marti sharaftan ka soo qayb galay
munaasabada ayaa waxaa ka mid ahaa inta badan madaxda maamulada kala duwan ee ku kala duwanaa fikirka siyaasada iyo isimada
malaaqyada aqoon yahano iyo ganac sato aad u tiro badan

sidoo kale waxaa iyana miisaan wayn kulahaa munaasabadan oo ka soo qayn galay inta badan jaaliyadaha deegaankan
SSC oo ka soo kala kicitimay daafaha aduunka munaasabadan ayaa waxay ku bilaabmatay dareen ay ka muuqato farxad iyo ray rayn
aad u baaxad wayn waxaana safafka hore ka ee munaasabadan ka muuqanayay madax waynaha maamulka puntland Cade muuse Xirsi iyo
kuxigeenkiisa Xasan Daahir Afqudhac Proff Cali Khaliif Galaydh iyo wasiirka cadaalada ee maamuka somaliland Mr:Casoowe madaxdan
saaka isku soo hor fadhiisatay madasha ayaa dhamaan toon waxaa ka muuqatay farxad iyo soo dha wayn midba midka kale soo dha
waynayo

sidoo kale waxaa iyana goobta si heer sare ah uga muuqanayay dhamaan isimada iyo odayaasha ka kala yimid Somaliland
Puntland iyo somalia xafladan ayaa waxa ay ka dhacday geedka wayn ee la yidhaahdo darayga geeda qarsay

si kastaba ha ahaate waxaa wufuuda kala duwan ee madasha ka hadashay ay wada xuseen ama u mahad celiyeen shacab
waynaha darawiisheed ee ku guulaystay inay isu keenaan inta badan waxgaradka iyo umada soomaaliyeed
sidoo kale waxay u soo jeediyeen hadalo waano iyo talo ah garaadka cusub Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad
Jaaamac oo isaga saaka goobtaas taashka lagu saaray qaar badan oo ka id ah isimada goobta ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay
guusha iyo kaalinta sare ee ay dadka deegaankan ku dhaqani soo hooyeen inay aasaas u noqon doonto ama ay ka soo bilaabman
doonto isu imaanshaha umada soomaaliyeed ee kala irdhawday




