ILA QOSOL
Miskiin iyo Tuug Maxaa kale qabsadey?

Beri
baa waxaa jiray labo nin oo miskiin ah, waxa ay degnaayeen qol yar oo u dhaw suuqa xoolaha, qolkoodana ma oolin wax gogol
ah oo ay ku jiiftaan, waxay seexan jireen dhulka. Sidey u kalahaan subaxda ayay ku soo noqon jireen qolkooda yar habeenka.
Maalin
maalmaha kamid ah ayaa gaari inataree ah oo rar ku dejinayey bakhaar looga yeeray, ninkii bakhaarka lahaa ayaa ku yiri labadii
nin ee miskiin ahaa Haddii aad dejisaan rarkaan gaariga saaran waxaa idiin siinayaa jawaan bariis ah sidiina ayayna faleen.
Iyagoo socodka la luudayaa, jawaankiina midba mar dhabarka ku jiidayay ayay xaafadoodii yimaadeen
Waxa ay karsadeen casho, casha kadibna way seexdeen. Saqdii dhexe goor ay ahayd ayaa waxaa aqalkoodii u soo dhacay
tuug, tuugii ayaa qolkii waxa uu ka raadiyey wax uu ka qaato, nasiib darrose ma uusan arkin wa uu qaato oo aan ahayn jawaanka
bariiska ah. Tuugii wuxuu ku fekaray inuu xoogaa bariis oo u qaadi karo ka shubto, wuxuu raadsi u galay maro uu ku shubto
bariiska, markii uu wayay wuxuu ku shubto ayuu shaatigiisa furtay, kadibna bariiskii ayuu buuxsaday, isagoo weli ku sii jeeda
jawaanka bariiska, ayaa waxaa ku soo toosay mid ka mid ay miskiinkii, isagoo iska dhigaya ruux hurda, ayuu intuu laacay shaatiga
tuuga oo u dhawaa hoostiisa gishtay oo uu qarsadey. Tuuggii
ayaa markuu soo jeestay waayay shaartigiisa, intuu geesaha eegay ayuu yaabay.
Waxaa isna jabaqdii tuugga ku kacay kii kale ee hurday, markii uu arkay in tuug uu guriga dhex joogo ayuu is yiri bal
saaxiibkaa toosi oo u sheeg, waxana uu bilaabay in uu si yar u toosiyo saaxibkiis isagoo leh toos tuug ayaa jooga guriga,
Saaxiibkiis oo is moogaysiinayana waxa uu ugu jawaabay tuug ma joogee naga seexo markuu sidaas ku cel celiyey dhowr jeeer
ayaa tuugii hadlay markuu is celin waayey oo yiri haddaan tuug joogin guriga yaa qaatay shaatigaygii?
W:/
Qoray Muxamed Cosmaan C/nuur (maxameddeeq)
002522
497419 Laascaanood3@hotmail.com