Ku soo Hiro Laascaanood

Home Laas caanood Somalia Laascaanood Three Henry photo suugaanta jacaylka Laas Caanood Laas Caanood Laas caanood online Heeso Music Sawiro soomaaliya Arsenal

Nugaal

Caleemo Saarkii Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac
Daawo Sawiradan
 

Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay magaalo madaxda G/sool e laascaanood munaasabadii caana shubka garaadka 19 naad ee beelaha dhulbahante

 garaadada

munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay dad wayne aad u tiro badan oo buux dhaafiyay magaalada laascaanood dad waynahan ayaa ka kala yimid guud ahaan qaybaha kala duwan ee dalka somalia marti sharaftan ka soo qayb galay munaasabada ayaa waxaa ka mid ahaa inta badan madaxda maamulada kala duwan ee ku kala duwanaa fikirka siyaasada iyo isimada malaaqyada aqoon yahano iyo ganac sato aad u tiro badan

 cade

sidoo kale waxaa iyana miisaan wayn kulahaa munaasabadan oo ka soo qayn galay inta badan jaaliyadaha deegaankan SSC oo ka soo kala kicitimay daafaha aduunka munaasabadan ayaa waxay ku bilaabmatay dareen ay ka muuqato farxad iyo ray rayn aad u baaxad wayn waxaana safafka hore ka ee munaasabadan ka muuqanayay madax waynaha maamulka puntland Cade muuse Xirsi iyo kuxigeenkiisa Xasan Daahir Afqudhac Proff Cali Khaliif Galaydh iyo wasiirka cadaalada ee maamuka somaliland Mr:Casoowe madaxdan saaka isku soo hor fadhiisatay madasha ayaa dhamaan toon waxaa ka muuqatay farxad iyo soo dha wayn midba midka kale soo dha waynayo

galaydh

sidoo kale waxaa iyana goobta si heer sare ah uga muuqanayay dhamaan isimada iyo odayaasha ka kala yimid Somaliland Puntland iyo somalia xafladan ayaa waxa ay ka dhacday geedka wayn ee la yidhaahdo darayga geeda qarsay

darayga

si kastaba ha ahaate waxaa wufuuda kala duwan ee madasha ka hadashay ay wada xuseen ama u mahad celiyeen shacab waynaha darawiisheed ee ku guulaystay inay isu keenaan inta badan waxgaradka iyo umada soomaaliyeed

 

sidoo kale waxay u soo jeediyeen hadalo waano iyo talo ah garaadka cusub Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaaamac oo isaga saaka goobtaas taashka lagu saaray qaar badan oo ka id ah isimada goobta ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay guusha iyo kaalinta sare ee ay dadka deegaankan ku dhaqani soo hooyeen inay aasaas u noqon doonto ama ay ka soo bilaabman doonto isu imaanshaha umada soomaaliyeed ee kala irdhawday

caleema saarcaleema saar

caleema saarcaleema saar

caleema saar

Sawiro

Halkan ka Daawo qaar ka mid ah Sawiradii caleemasaarka, kuwa kalena waanu idiinsoo gudbin doonaa kolkaad kuwan ka bogataan.
Fadlan guji sawirka si uu kuugu waynaado.


 
 
   

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waa Madax Waynah PUntlan IYo KU xigeenkiisa  xasan daahir

 

 

   

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed Cismaan C.nuur Xaashi (maxameddeeq)002522497419

 

 
gj