Make your own free website on Tripod.com

Ku soo Hiro Laascaanood

Home Laas caanood Somalia Laascaanood Three Henry photo suugaanta jacaylka Laas Caanood Laas Caanood Laas caanood online Heeso Music Sawiro soomaaliya Arsenal
jacaylka

U DULQAADO CAASHAQA
Magacaygu waa Yuusuf Abroone Axmed, waxaan deganahay Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshid, aniga aan noqdo dhibanihii ugu horreeyay ee Boggan U DUL-QAADO lagu daah furo, laakiin AAYAHA NOLOSHA U DULQAADO ayuu iska leeyahay, ma dhibkan I heysta ayaa loo DULQAADAN KARAA, bal cabashadeyda dadow ila dareema:- Xilligii ciidamada UNOSOM dalka yimaadeen ayaan soo galay Muqdi-sho, anigoo ka soo qaxay magaalada Kismaayo waxan nasiib u yeeshay inaan ka mid noqdo shaqaalihii UNOSOM u shaqeynayay oo xerada Silliga Ameerikaanka ayaan ka howl bilaabay. Anigoo ay iigu jirto oo iska ladan, Qaadkana aan habeen seereynin ayay shaqadii Unosom inoo dhamaatay, Haweeney garoob ahayd oo Labo Ciyaal horey u soo dhashay oo aan Qaadka ka iibsan jiray ayaan is fahamnay oo guursaday, lacagtii aan Unosom ka helay sanadihii ugu horreeyay ayaan dabka saaranay, qaarkeedna iyadaa ganacsigii Qaadka ku kabatay, markaan wax beelay oo gebi cidlo ah aan soo istaagay, baagamuudadiina I dilootay ayaa waxay igu tiri “wax dhibaato ah malaha ubadka inoo hay, biil aniga ayaad iga taqaanaa, qayilaadaadana kuu saxayee”, farxad & reynreyn ayaan ka qaaday hadalkeedaas, Jacaylkeediina uu igu sii siyaaday. Waxay sidaa arrin inoo ahaato oo ilmaha aan si wanaagsan u kolkooliyo ayay Naagteydii igu soo giiratay waxayna igu cannaanatay ilmaha waad kala jeceshahay oo kuwa aan ninka kale u soo dhalay ma jeclid & hadalo kale oo nuxur aan lahayn, markaasay qaadkii iga jaratay, iyadoo I dhahaysa “waxaad tahay ma shaqeyste, mana ku biili karo oo waad iga feero weyn tahay ee wax isku fal & hadalo kale oo aanan wargeys ku soo qori karin” waan yaabay, ma buuqi karo oo waa lay biilaa, ma furi karo oo ubadka ayay ii korisaa, haddana haddii aan furo igu soo tuureysaa oo Hooyo, Aabo & Walaal ii hayo ma qabo, Kiro Guri xitaa iska-ma bixin karo haddii aan iyada iska furo oo Allaa xaalkeyga og. Anigoo dhibkaas qaba oo sidii ilmaha ay dhashay oo kale ii cannaanayso ayay haddana bilowday inay iska soo daahdo, habeen habeen iska soo dhaxdo, shaki ayaa I galay oo waan maseyray, (bal maxaa maseyrka igu keenay?) way iga raacday oo casho la’aan, sigaar la’aan & qaadkii aan marmar heli jiray ayaanba waayay, walaalaheed ayayna igu dacweysay oo gabadheena inoo fur ninkaadan shiidka ah ayaa la igu hayaa, anigana Jacayl ayaan u qabaa Xaaskeyga ee dadow tanoo kale yay heystaa oo dhibka noocan ah ila wadaaga, reera AAYA NOLOSHA qorowna ISKA DULQAADO ayayba na leeyihiine. Nagala soo xiriira dhalinta iibisa Wargeysyada oo qoraa-ladiina aad u soo dhiibi kartaan ama naga soo waca Telef-oonada kala ah 652256, 655788, ama aaladda Internetka E-mail:- aayahanolosha@hotmail.com & kan kale ee ah:- ambacaliin2004@yahoo.com
WAA MAXAY MICNAHA UU LEE YAHAY JACEELKA, MAXAASE LOOGA BAAHAN YAHAY DADKA ISU SHEEGTA IN AY IS JECEL YIHIIN.
WAA MAXAY MICNAHA UU LEE YAHAY JACEELKA, MAXAASE LOOGA BAAHAN YAHAY DADKA ISU SHEEGTA IN AY IS JECEL YIHIIN. Waa maxay jacayl? Runtii waa su’aal yaab leh oo aan la dhayalsan Karin. Runtii lama mid aha su’alaha kale,Jacayl iskama yimaado hadaan aragti jirin. Hadaba maxuu u kala baxaa jacaylku?.Jacaylku waxaa uu u kala baxaa sidan. Mid waa midka aad jeceshahay waalidkaa,walalahaa,qaraabadaada iyo asxaabtaada Muxuu ku yimaadaa jacaylku? Waxa hadaba jacaylka ka horeeya ka helitaan aad qofka ka hesho. Ka helitaanka ayaa hadana waxa uu u sii kala baxaa noocyo farabadan sida qof aad heesihiisa jeceshahay, ama aad masalaadiisa jeceshahay.Tusaale ahaan aniga waxaan ka helaa ama jecelahay in aan dhagaysto heesaheeda fanaanadii caanka ahayd ee Saynab-Cige,. Hadaba taas macneheedu ma aha in aan Saynab-Cige u jecelahay rabitaan dumar nimo. ARAGTIDA Waxa ugu horeeya waa aragtida, waaaaaw, wuu ku cajabiyay,waa qodobka ugu horeeya.Iskama yimaado jacayl adiga oon arag qofka, gabar ama wiilba.Tusaale, wiilkaas ama gabartaasi aad ayay u quruxbadan tahay, la soco indhaha ayaa ka helay wali waa ka helitaankii. Ama filimkii aan galay waxa ku jiray gabar ama wiil aad u qurxoon.Mar labaad waa ka helitaan.’ Goorma ayuu isku badalaa jacayl?. Waa marka aad la kulanto,ood aragto,maqalkiisa,hadalkiisa,dad ladhaqankiisa,ixtiraamkiisa, Dulqaadkiisa,. Si kasta oo wiilku ama gabartu u qurxoontahay hadii aynan dabeecad lahayn ama uunan lahayn,ka helitaanku ama jacaylku waxa uu soconayaa mudo yar. La soco ma iibsan kartid jacayl, waa laga yaabaa in aad qof ku raacdo lacag ama qurux, lakiin taasi waa mudo yar. Hadaba marka aad ogaato qofkaasi sida uu u dhaqmayo ayuu bilaabmayaa jacaylku ood leedahay, ooh waan jeclahay, macnaheedu waxay tahay waxaad iibsatay isaga oo dhan, awal waxaad ka helaysay quruxdiisa ama quruxdeeda oo kaliya. Lakiin hada waxa uu isku badalay,dabeecad wanaag,dhib la-aan,iyo daryeelid uu kuu hayo. Goorma ayay Timaadaa Runtu. Intii hore waa barashadii aad baranaysay qofka,hada marka aad isla soo dagtaan oo aad isla garataan in aad is guursataan ayay runtu bilaabmaysaa. Qaarkiin markiiba waxyaalo yar yar oodan markii hore arki jirin ayaad arkaysaa, adiga oon eegeyn arimihii jacaylka keenay ayaad markiiba niyad jabaysaa. Maxaa lagaaga baahanyahay Hadaba. Lasoco qofkan aad isla soo dagteen, iskumeel kumaydan soo korin, laba reer oo kala duwan ayaad ka kala timaadeen. Reer faqiir ah,reer taa jir ah, reero dabeecad xun,reero kala dhaqan duwan iyo wixii la mid ah

The About network covers more than 50,000 subjects with over 1 million links to the best resources on the Net and the fastest-growing archive of high quality original content. Topics range from pregnancy to cars, palm pilots to painting, weight loss to video game strategies, each presented by a professional Guide.

Wadnayaal Isjeclaaday Qalbi, waxay ku dhalatay xaafada shacabka ee magaalada Hargaysa, Sanadkii, 1972. Wax barashadeedi hoose waxay ku soo qaadatay dugsiga sheekh Bashir, wax barashadeedi sarena Qalbi, waxay ku soo qaadatay dugsiga ina Oomaar, ee isla magaalada Hargaysa. “Hibo eebe ku siiiyey iyo habeen la iskama qaado,” ee Qalbi, kasokow waxbarashadeeda dugsiga waxay aad ugu wanaagsanayd guud ahaan cayyaraha fud-fudud gaar ahan cayyarta kubada koolayga ee loo yaqaan “Basket Ball.” Qalbi waxay markiiba ka mid noqotay gabdhihi u cayaari jiray kubada kolayga isla dugsiga ina Oomaar ee magaakada Hargaysa. Fir-fircoonidi iyo cayaar wanaagi ay Qalbi, muujisay waxay dhaxalsi-say in ay isla markiiba u gudubto oo loo qaatay xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka waqooyi galbeed. Maalin maalmaha ka mid ah waxaa Qalbi u yeedhay gudoomiyihi Gudiga olombikada gobolka waqooyi galbeed “Adbillahi Dheere” iyo taba-barihi kooxda xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka waqooyi Galbeed “Axmad jinac” oo Qalbi ugu bishaareeyey in Ayyada loo doortay kabiteenada hogaamin doonta kooxda xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka. Waxa kale ooy Qalbi u shegen in dhammaan kooxaha xulka wiilasha iyo gabdhaha kubada kolaygu soo diyaar noqdaan maalinta Jimcaha, 10 ka Subaxnimo, si ay ugu kici timaan magaalo madaxda Muqdisho ooy kaga qayb gali donaan tartanka ciyaaraha koobka horyaalka gobolada ee kubada kolayga. Qalbi magaalada Muqdisho dad qaraabo ah iyo asaxaabatoona kama-taqaan, sida darteed, waxay go’aansatay inay dhanba u dhaafin gurigi mar-tida lo dajiyey oo Qalbi waxay wakhtigeedi ku soo koobtay: . Mar ay tartan ciyaareed ku maqantahay, Mar ay tababar ku maqantahay, Iyo mar ay Buug aqrisanayso. Qalbi, intii lagu gudo jiray tartankii ciyaaraha koobka horyaalka kubada kolayga waxay isbarteen- Nimco Jeego oo ahayd, kabitanka kooxda Xulka horyaalka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka Banadir. Nimco Jeego waa gabadh aad u fur-furan, si wanaagsanna uga qayb-qaadatay dhinaca soo dha-weeynta iyo marti-galinta dhammaan kooxihi ka kala yimid gobolada dalka. Maalin maal maha ka mid ah, rugtii ay daganayd Qalbi, waxaa ugu timiday Nimco Jeego, waxayna u sheegtay inay kooxda horyaalka gabdhah iyo wiilasha gobolka Banadir ee kubada kolaygu casho ugu marti qaadeen Hoteelka Curuba, habeenka Qamiista ee Jimce soo galayo dhammaan koxda Horyaalka Gabdhaha iyo Wiilasha kubada kolayga ee ka yimid gobalka wo-qooyi galbeed. Waxaa lasoo gaadhay habeenki Qamiisti ee Jimce soo galayey: Waa habeen u haba-yaraate wax caad ihi saarnayn cirka. Waa habeen u heer-kulka magaalada Muqdisho taagan yahay halkii ugu wanaagsana. Waa habeen saxan-saxo udgoon badani babanayso daafaha magaalda. Waa habeen aad laydha caafimaad iyo naacawda caashaqa Ood hawada ka nuugtid mooye, waa habeen ay naftu, Waa habeen ay naftu guriga galba ku dhahayn. Waxaa hal-hal, laba-laba, koox-koox iyo raxan-raxanba loo soo galaya oo la iskugu yimid waa marti-qaadkii cashada iyo hoteelki Curuba. Waxaa wiil iyo gabadh loo labisan-yahay maxaa kaa galay camal. Waxaa qof walba sitaayi waa labiskii aynan uga danbaynin. Waa labiskii u qof walba is-lahaa hadaad mar uun xidhan lahayd Allay-illehe, Alla-ilehe caawa xidho (xiro).

Saacadu markay ahayd, 7:30 kii, fiidki, waxaa albaabka hoteelka Curuba gaar ahaan qolkliisa xafladaha ka soo gashay gabadh u Allahen, Dhumuc iyo dhererba u dhameeyey, hubqaa- dkeeda iyo hannaan wanaageeda ba aad iyo aad lola dhaygagay. Waxaa mar qudh ah is-taagtay shan-qadhii qolka, dhammaan wiil iyo gabadh inta lawada aamusay waxaa daymo layaab leh sidaa loo wada Jalleecay dhinici gabdha oo aad moodaysid in Nal ama laydh laga soo iftiimshay. Waxaa fadhiya dhanka midigta ee albaabka laga soo galo hoteelka Curuba, gaar ahaan qaybtiisa xaafladaha Afar wiil oo dhallin-yar ah. Waxay aad iyo aad ugu qushuuceen sha’ni wanaagi iyo sharfti ka muuqatay gabadhan albaabka ka soo gashay, oo wiil walba is-dhahay Ar-may taada noqota, waxaase wiilashi iswa-ydiyeen carr yaa gabadhaas la hadli oo nin raga ah?, wiilka ka mid ah wiilashi ayaa soo kacay isagoo sharad ku soo galay inu gabadha la hadli dono oo u isagu ku qaban doono wiilku isaga un ba is- dhahaye, ma oga waxa u kala kulmi iyo wax u mudan midba, wuxa u wiilku ogayn hadal adayga hablaha Soomaaliyeed guud-ahaan, gaar-ahaan habeenka iskugu kiin horaysa in-aan dhayal iyo ciyaar ciyaarba loogu soo gali karin Qalbi se, wayba ka sii xag jirtaa oo waa gabadh aad u dagan, hadal kooban, miisaaman oo xikmad badan leh waa gabadh aan haba-yaraate loola iman karin sheekooyinka raqiiska ah. Waa laba aan is ogayne isku eeg waxay kala qaadan. Horayba seLo yidhi, “ Fardo la isku hayo maxaa la iskaga faanin.” Wiilki, gabadhi waa u yimid isagoo ilka cadaynaya oo wuxu ku dhahay, “Abaayo waa lagu salaamay.” "Qalbi,"- walaal waa lagaa qaaday. “wiilki,"- Abaayo qof miyaad raadinaysay. “Qalbi,"- Walaal qof baan raadinayeyba kumaan odhan. “Wiilki,"- Abaayo hablihi martida aha inad tahay wan u jeeda, side-waaye “Qalbi,"- walaal waxba taas kaama galine, danhaaga sheego. “Wiilki,"-Abaayo adiga uunbaan ku caawin-rabay NO. “Qalbi,"- Walaal intaas mooye wax kale miyaad haysa. Markay intaas iswaydaarsadeen, wiilki yaabka ka dhammaday, oo cabaar intu aamusay ba waax hadal ahi ka soo bixi waayay. Waxaa gadaal kaaga timid Nimco Jeego oo intay ku soo booday labada daan ka dhunkatay waxay tidhi, “Alla waa Qalbi abaayo ii warran sideed tahay.” “Qalbi,"- Walaal waan iska fiicanahay ee adigu ii warran, sideed tahay. “Nimco"-Abaayo waan fiicanahay, oo hadaan isdhahayey maxaa ku dhacay gabadhi. “Qalbi,"-Walaal malaha waan idinku soo daahay ee iga raali ahaada. “Nimco,"-Maya, abaayo naguma aad soo dahin ee, walaalkay Aqli na maad istaqaanaan oo inteed isku barateen.

Qodobka ugu horeeya. (1) Ha is ku dayin in uu partnerkaagu isbadalo ama sameeyo waxaad jeceshay(don’t try to change your partner just like you) waxa laga yaabaa in uunan ka helin ama dhib sanaayo. (2) There is diffirent between falling in love and been in love. Way kala du wanyihiin marka aad qofka barato iyo marka aad la soo dagto Marnaba ha filin in aad hesho jacaylkii hore, lakiin filo ama isku day in aad hesho- waxa afka qalaad lagu yiraa ( a mature relelationship) (3) La soco emotionku wuu is badalayaa markaa hel mid dagan inta aad raadinayso kii hore oo kale. Agree to disagree. (4)Face it. la soco waxa jiri doona arimo yar yar oodan waligii xaliyi Karin(solve) Oo aad u adkaan doona, laakiin waligiin isugu yimaada meel dhexe. Labadiina qof kamid ah waa in uu lumiyaa valuegiisii, si uu u badbaadiyo guurka, waana in uu iska ilaawaa wax yaalo farabadan oo uu jeclaa. (5)Lakiin mar walba isla ogolaada wax yaalaha basiga ah sida, caruurta,,guriga,shaqada,dhaqaalaha,iwm, si uu u badbaado guurku(relaionshibku). (6) Macno male waxaad samayso, ee waa sida aad u samayso. Mar walba waa in aad ka hadasho waxa familiga dan u ah , ee ha ka hadlin waxa adiga dan kuu ah. Hadii aad isku daydo in uu partnerkaagu sameeyo wax alla waxaad jeceshahay, arimuhu waxay isku badalayaan xumaan. Isku day in aad fahanto qofkan, waxa uu jecelyahay ,waxa uu dhib sanaayo, meelaha uu jecel-yahay in uu aado. Ha ku canaanan waxyaalaha qaarkood, lakiin isku day in aad tusto waxa dan idiin ah. Waxa aad u fool xun adiga oo gurigaagii u soo socda oo hadana dhibsanaaya, oo leh alla-tii ama kii ayaa igaga horeeya. Isku dulqaata. Obs. Artcale kan waxa uu khuseeyaa dhamaan Somalida qurbaha dagan. Haddii arimahaasa ay kuugu noqdaan kuwo kugu adkaada dersidooda oo aad waqti u heli weyso noqo qofkii ku dhaqma qodobadan soo socda:- RULES FOR A HAPPY MARRIAGE 1- Never both be angry at the same time. 2- Never yell a each other unless the house in on fire. 3- If one of you has to win an argument, let it be your mate. 4- If you have to criticize, do it lovingly. 5- Never bring up mistakes of the past. 6- Neglect the whole world rather than each other. 7- Never go to sleep with an argument unsettled. 8- At least once every day try to say one kind or complimentary thing to your life’s partner. 9- When you have done something wrong, be ready to admit it and ask for forgiveness. 10- It takes two to make a quarrel and the one in the wrong is the one who does the most talking.

WIIL KU SIGTAY INUU GUURSADO WALAASHIIS Cabdi Calasow oo ku nool deegaanka Aadanyabaal ee Gobolka Sh/dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ku sigtay inuu guursado gabar uu dhalay aabihiis, kuna kala dhashay labo meel. Arrintaan waxay soo baxday kaddib markii sheekhii mehrinayey gabadha uu gartay in gabadha uu dhalay oday ay is yaqaanaan, isla markaasina wuxuu u sheegay wiilkii gabadha mehersaneyey inay isla dhasheen, isagoo si gooni ah ula faqay wiilkii una sheegay arrintii, kuna yiri: “War anaa ku maqlaye yaan cid kale ku maqal, gabadhaan walaale ayaad tihiin” intaasi markii ay dhacday ayaa wiilkii wuxuu la hadlay gabadhii walaashiis aheyd oo uu rabay inuu mehersado kuna yiri, “Abbaayo iga raalli noqo, waan qaldamey ee walaalkaa ayaan ahay ee la soco sidaas” gabadhii oo ilmeyneysa ayaa ku soo booday wiilkii, halkaasina waxaa ku bur-buray meherkii uu damacsanaa Cabdi Calasow.

January 30th, 2003. “Qalbi,"-Walaal isma aan garanayn oo intan uunbaan isku aragnaye ma walaakaaba wiilku. “Nimco,"-Ha abaayo, waa walaalkay Aqli ee isbarta, waa ciyaartoy ka mid ah xulka wiilasha kubada kolayga ee gobolka Banaadir, Aqli, aboowe waa Qalbi, kabiteenka kooxda xulka hablaha gobolka woqooyi galbeed.” “Aqli,"- Abaayo raalli noqo hadaan kugu gafay, kuma aan garanayne. “Qalbi,"-Walaal waxba iguma aanad gafine, raalli ahaw aniguba kumaan garanayne. “Aqli,"- intu gacan-qaaday Qalbi, wuxu ku dhahay barasho wanaagsan.” “Nimco," waxay ku dhahday Qalbi, abaayo ina ken miiskaas ayan fadhisanaynaaye. Aqlina wuxu u sii dhaqaaqay dhinacaa iyo saaxiibadis, isagoo ka xun guuldaradi halkaas kula soo daristay, balse kuna faraxsan gabadhii oo meel gaaban kaga soo baxday ooyna isku barteen halkaas. Balse-- “Haba Salaamin Lahaydaa.” “Warbaa ugu gaajo kulul,” Aqli saaxibadi farahay ku taagan yihiin oo waxay sugi kari la’yihiin, aad na ugu hamuum qabaan jabki iyo guul-darradi u halkaas kala soo kulmay saaxiibkood Aqli. Su’aashi ugu horaysay waxaa ku bilaabay Aqli, saaxiibkis Nasir Oo ahaa Aqli saaxiibkiisa koowaad, waa isku Xaafad, isku Iskuul, isku klaas iyo isku tiimka horyaalka kubada kolayga ee gobolka Banadir Intaba, hadaad Aqki aragtid Naasirna waad aragtay, hadii u Aqli qof sir u dhiiban lahaa waa ka qudh ah ee uu udhiibto, waa labo dhib iyo dheefba wadaagta. Naasir shu’aashiisi ugu horaysay wuxu ku dhahay Aqli, “Hayye, Hayye Macalinka warka keen he.? “Aqli, isagoo ilka cadaynaya intuu fadhiistay wuxu ugu jawaabay aboowe waan idiin warami doonaaye isdajiya NO.” Aqli waa forarsaday, intuu dhidid muquurmay bu wax hadal ahi ka soo bixi waayey cabaar. Naasir oo la yaaban waxan ku dhacay saaxiibkood Aqli oo ahaa Aabaha foorjada iyo qosolka, waxaa u ku celiyey su’aal labaad oo u ku dhahay “Side waaye Macalinka, sii-daa he.” “Baroortu se orgiga ka wayn” oo Aqli, daaqad kale aya u furan oo saaxibadiis Filim aynan arkayn bu isagu fiirsanaya, oo Sidii Lo’dii habeenka soo calyo-ceshanaysay waxay maalinti cuntay, waxa Aqli maskaxdisa ku dhex waregaya hadaladi Qalbi haday Wanaag-sanaayeen iyo hadday xumaayeenba, kolse haddayba Qalbi, la hadashay ooy dabnaheeda u kala furtay, way ugu dhantahay isaga. Aqli saaxiibadadiis kumaynan ogayn gabay iyo geeraar mid-tona, Aqli, oo walligiis intu laba erey isku geeyay aan afkiisa kaga dhawaqin Waxa ka soo yeedhey ereyadan. “Aduun idinka dadan baan daawanaa-yaaye, Jacayl ban dareema rag-yahaw iga dawoobayne, Daymadan jalleecay yartaas damacday laabtaydu, Dab-nahay kala qaaday baa la igu sii didaye, Haddad ila dadaalayn amaad iga dabiibaynin, Idaaya walaalayaal maxaa igu kiin diray.” Aqli, afkiisa markay intaasi ka soo baxday, yaabki iyo fajaciiba ka dhammaaday dhamaan saaxibadiis oo waxaynan filanayn ayaa kaga soo baxay halkaas, intay iswada dayeen waxa la isku daray qosol, iskugu Jira; qosol gariir iyo dheel-dheel oon marnaba caadi ahayn, waxay la yabeen arrimahan cusub ee u la soo baxay saaxiibkood Aqli.

Ali, oo ka mid aha wiilashi Aqli saaxibadis, aya wuxuu ku dhahay, Aboowe Aqli, maxaa kaa si’I ah? Oo jacaylkaagani deg-deg badanaa.? Aqli intu soo daymooday wiilkii isago ilka-cadaynaya ood moodid inu Qoslayo, qosol ay kalsooni ku dheehantahy, wuxu ugu jawaabay aboowe wax-Ba si’I igama aha ee, miyaad maqal heestay ku qaado fanaanada rer-jabuuti--Nimco Jaamac, ee dhahdo; “Ballan Maaha Jacaylku, Bandhig la Iskugu Baaqe, Waa Ishaa Biligteeda uun, Wax Boggaaga ku Beerma.” Ali, intuu aad u qoslay wuxu ku dhahay Aqli,”Aboowe, gabar hadda Intan aad ku aragtay, hadda yaan jeclaaday aqliga magasho, ee naga dhaaf "NO"Ha inagu warerin Qaldaamadan ee wax kale ma haysaa, side waaye abowe.?” Aqli oo aad uga xumaaday hadalka saxiibki Ali, intu istaagay wuxu ku dhahay, “Aboowe mar danbee ha dhihin Qaldaamad, adigaa Qaldaan iyo Qurun ba ahe” waana iskaga so tagay Aqli Hotelki oo wuxu soo qabtay Gurigoodi. Aboowe Aqli istaag, mar’aan kula hadlo no, sidee waaye adiga, ha fududaan aboowe, waxaa dhahay Aqli saaxiibkiis Naasir, oo ka soo daba cararay, Hasa yeeshe, wax dhag ah umuna dhigin Aqli ee waa ka soo tagay gobtaas. Aboowe sidaas inaad ula hadashid ma haboonayn, saaxiibken Aqli in' unan sidiisi hore iyo si’ u dhawba ahayn waad u jeeda “NO.” Aboowe, ani maxaan ku suubiyey saaxiibkeen assaga ayaa iswareerinaayo, wax aan aqliga gali Karin suubin raba eh. Ereyadaasi waxay ka mid-ahaayeen hadaladii ay isway-daarsadeen, Aqli saaxiibadiis Nasir iyo Ali. Dhinaca soo jeedka waxaa fadhiyaa Qalbi iyo Nimco Jeego ood modid In-ay sheekadu si macaan iskugu dhacday. Qosol, gos-goos ah iyo ilka cadayntuba ku ma aysan yarayn goobtaas. Hayye Abaayo, ii warran he adiga inted isaga dhigaysa marti waxba ha sheexen “NO” soo dhawow abaayo Qalbi, Waxaa dhahday Nimco Jeego oo la hadlaysay Qalbi. "Qalbi"-Wallaahi, walaal anigu aad iyo aad baan iskaga fiicanahay, oo wa Ilaahay mahadi, Cashadan shrafta leh eed nagu marti qaadenna aad baad ugu mahad-santihin, wax aan ka xishoonayyina haba yaraate majirto. Ee bal adigu ii warran, walaal sideed tahay.? "Nimco"-Abaayo aniguna aad baan isaga fiicanahay, waxan rabay in’aan iskiin baro saaxiibkay “Fuad” ee nassib daro caawa uu shaqaynayey. "Qalbi"-Walaal waxba kama dhigno, oo maalin kalaad iskaaya bari dontaaye,waxaan ku waydiiyey muxu wiilku ka shaqeeyaa.? "Nimco"-Abaayo, waxaa u shaqeeyaa wakaalada “SONA” oo waa wariye "NO." "Qalbi"-Oo walaal, muddo intee le’eg baad isla socoteen wiilka.? "Nimco"-Abaayo, waxaan isla soconay muddo “Afar sannadod” ah oo waxaan ku heshiinay inaan is aroosno dhawaan.Ee bal adiguna ii warran, macaan.? February 15th, 2003. Walaal, haddan runta ku sheego anigu, walligay wiil lama aanan sheykaysan, marbu Aabahay rabay in u igu daro wiil aannu ilma-abti nahay, oo wan ka diiday markaasna, waayo, wakhtiba umaanan haynin arrimahaas, oo wuxu Go’aan kaygu ahaa, horta Iskuulkaaga dhammayso. Horaa loo yidhi “ Ragu wuxuu ka sheekaaya Ba’ooga, Haweenkuna Badhaa-dhahooga” ee intii lagu guda jiray cayyarihi xaflada iyo qoob ka ciyaarka waxay Qalbi iyo Nimco is-way- daarsadeen su’aalo fara badan iyo sheekooyin dhaadheer oo dhinac walba taabanayey. Waxad modaysay, Qalbi, sida ay su’aalaha u waydiinaysay Nimco, in aanay iyada laftigeeda uusan ka maqnayn Jacaylku, markaad eegtid guud-han su’aalaha ku Saab-sana Qoyska rer- Jamac yare, gaar ahaan kuwa quseynayey Aqli oo ay ku sii fogaatay, hase yeshe ma kolba looga fadhiyey Qalbi iyo dhamaan hablaha Soomaaliyed inay soo bandhigaan oo ay caddaystaan jacaylkoda.waxaase uba samaxaynin dhaqan kooda suuban iyo tarbiyadda wanaagsan ee lagu soo ababshay

 




        War bidaar Xagaad u murqaantay Jooji
Waxaad canjilaysaaa Qaasin macruufe

Enter supporting content here